Casharada Laga Barnayo Tagista Madaxda Kala Duwan ee Kismaayo

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowladda gobaleedka Jubbaland gaaray madax kala duwan kuwaas oo la filayo iney ka qeyb galaan caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland oo dhowaan dib loo doortay.

Madaxda gaartay magalada Kisamaayo ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashii hore ee dowladda Soomaaliya sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaa kale oo ku jiray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni oo uu wehliyo madaxweynihii hore ee maamulkaas Faroole, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah xisbiga Wadajir, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BF iyo siyaasiyiin kale.

Magaalo xeebeedkan oo 50 km u jirta caasimadda Muqdisho waxaa horay u gaaray wufuud ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikarim Guuleed iyo Koonfur galbeed Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kale madaweynaha Jubbaland oo ka warbixiyay safarka madaxdan kala duwan ee gaartay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleema saarkiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in madaxdaan ay yimaadaan magaalada si ay uga qeyb galaan caleema saarka.

Inkasta oo dowladda federaalka ah iska diiday natiijada doorashada Axmed Madoobe hadana tagista Kismaayo ee siyaasiyiinta intaasi la eg waa dhambaal cad oo ku socda madaxda fulinta ee dowladda federaalka ah, waxaana muuqato in cadaadiskooda iyo xeelad kasta oo ay adeegsadeen la diiday.

Waxaa khatar ku jira nidaanka federaalka waxaana la joogaa xiligii ay dowladda u tanaasuli laheyd maslaxadda qaranka halka mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee tagay Kismaayo laga rabo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

  1. Siyaasiyiinta iyo madaxweynayaashii hore ee Somalia oo ka qeyb gelaya caleemasaarka Axmed Islaan (Axmed Madoobe) waxay
    marag ka tahay Fashilka Dawladda Farmaajo.

    Gefafkii badnaa ay kooxda Farmaajo horey u soo sameeyeen baa natiijadoodu waxay noqotay weji gabaxa iyo ceebta Farmaajo
    maanta ka haysata Kismaayo.

    Dawladaha shisheeyana waa arkayaan waxa maanta meesha ka dhacay.

    Dawlad-ku-sheegga Farmaajo, ama ha rabto ama ha diiddo, Axmed Madoobe waa hoggaamiyaha la doortay ee Jubbaland. PERIOD.

    FARMAAJANA DIB HA UGU NOQDO TUMAALA BADANTII GEDO IYO MEESHA UU ASAL AHAAN KA SOO JEEDO.

  2. There are Nursing Papers for Sale that are harder to complete than others. Thesis, dissertations, and research papers are some of them. Even if you are enthusiastic and capable student, you might need Thesis Proofreading Services in coping with your difficulties.

Leave a Reply to 5 Paragraph Narrative Essay Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW