U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanka Buq Aqable Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa waxaa ay Al-shabaab kala wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka talinayeen Al-shabaab, ciidanka huwanta ah ayaa howlgalka ku gaaray deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

“Ciidamada huwanta ah ee amaanka oo kaa shanaayo ciidamada dib u xureeynta deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka hiiraan. Qabasashada Degmada Buq Aqable ayaa ka dhigan in argagixisada gacantooda kabaxday magaalo weeen oo muhiim u aheyd jiritaan kooda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hirshabeelle.
Ciidanka dowladda federalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, ciidan ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan oo ay la wareegaan deegaanno badan oo in badan ay kala go’doomiyeen  Al-shabaab, mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay Buulo Burde.
Buq Aqable Waa deegaan ka mid ah degegaannada gobolka Hiiraan,  waxaa ay  90-km dhanka Koonfureed ka jirtaa xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne, dhanka galbeedna waxeey 40-km u jirtaa Degmada Buulo Burde Degmada waxeey caan ku tahay dhaqashada xoolaha ganacsiga iyo sidoo kale dadkeedu waa beeraley.
Goobjoog News