U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Kula Wareegay Deeggaanno Hoostaga Buulo Burde

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka oo kaashayana dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah, kuwaas oo hoos taga degamada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, taas oo muddo dhowr iyo Toban sano ah u go’doonsaneyd xooggaga Al-shabaab, ciidanka ayaa howlgalka ay fuliyeen waxaa ay ku gaareen ilaa  iyo 5 deegaan, oo ay ku sugnaayeen Shabaabka.

Ciidanka ayaa waxaa ay gaareen deegaannada kala ah:  Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan  hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaan Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, isaga oo ku sugnaa gobolka muddooyinkaan.

Xildhibaanka oo la hadlay dadka deegaanka Abooreey ayaa sheegay in ay aqbaleen baaqii madaxweynaha, waxaana uu uga mahadceliyay taageerada ay siiyeen ciidanka dowladda” Shacabka Abooreey waa ku mahadsan yihiin in ay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh, ee ahaa in la iska dhiciyo cadowga, Abooreey oo 13 sanno go’doon aheyd ayaa maanta cadowga argagixisada Al shabaab laga saaray” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka oo hadakiisa siiwata waxaa uu sheegay in dowladda ay garab taagan tahay dadka deegaanka” Annagu waa idin garab taagan nahay, dowladdiinu waa idin garab taagan tahay, waxaan idin kaga mahadcelinayaa inaad howlgalkaan si dhab ah aad u qaadeen, waxaana kale oo idin kaga mahadcelinayaa inaad degmadaan oo dhowr iyo tobon cadowga gacantiisa ku jirtay inaad gacanta ku dhigteen, Allah ayaa mahad leh Soomalai waa guuleysaay” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Degmada Buulo Burdo oo ay ku sugan yihiin ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS, ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah waxaa go’doon galiyay Al-shabaab, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadayaa iyadoo gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka, iyagoo dhowr deegaan la wareegay.

Goobjoog News