U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Hoostaga Magaalada Baydhabo

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad oo kaashanaya kuwa deegaanka Koonfur Galbeed ee la magacbaxay Dulmi-diid ayaa Al-shabaab waxaa ay kala wareegeen  deegaanno hoostaga magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka oo saaka waabarigii weerar ku qaaday deegaanka Labaatan  Jiroow, kaas oo 60km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa u suurto gashay in ay la wareegaan deegaanka, ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaanka Say-dheerow oo 30-km u jirta, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo hoostaga Baydhabo.

Ciidanka dowladda iyo  iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, ciidanka ayaa horey 48 saac ee ugu dambeysay waxaa ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay xoogagga Al-shabaab horey kaga  sugnaayeen sanadihii lasoo dhaafay.

Gobolka Baay ayaa waxaa uu kamid yahay gobollada ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay sida xowliga ah uga jiraan kaas oo dhan ah Al-shabaab, gobollada Hiiraan Mudug Gedo iyo Galgaduud , ciidanka isgarabsanaya ayaa la wareegay dhowr deegaanno oo ay horey u joogeen Al-shabaab ee dhaca gobolladaan.

Goobjoog News