U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgal Kula Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka bilaabeen deegaanno dhaca bariga Galgaduud, kuwaas oo hoos yimaada degmooyinka Dhuusamareeb iyo Curiceel, iyagoo inta ay howlgallada ay ku jireen waxaa ay qarxiyeen miinooyin, kuwaas oo ay Al-shabaab ay ku aaseen wadada.

Ciidanka ayaa waxaa ay howlgal kula wareegeen deegaanka Jaaw oo 55km u jira degmada Gureel ee gobolka Galgaduud, ciidanka ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen bariga gobolka, howlgalkaan ayaa  kusoo aadayaa iyadoo ciidan ka tirsan dowladda la geeyay magaalada Dhuusamareeb oo qeyb ka qaadanaya howlgallada.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka bilowday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helaya dadka deegaanka, waxaana deegaanno dhowr ah ka jira abaabulka ay wadaan dadka shacabka ee ku nool Galgaduud, Al-shabaab ayaa kaga sugan Mudug Galmudug deegaanno ay kamid tahay Xaradheere, Ceelbuur iyo kuwa kale.

Howlgalkaan ay qaadeen ciidanka ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo dhowaan dowladdu sheegtay in ay taageereyso kacdoonka ay dad deegaano ka bilaabeen  deegaanno ka tirsan   Galgaduud , Hiiraan iyo Baay , kuwaas oo looga soo horjeedo Al-shabaab, ciidanka iskaashanayo ayaa la wareegay deegaanno oo dhaca gobolladaan uu ka bilowday kacdoonka shacabka.May be an image of 5 people, military uniform and outdoors

May be an image of 2 people and outdoorsMay be an image of 5 people, people standing and outdoorsMay be an image of 1 person and outdoorsMay be an image of outdoorsMay be an image of 5 people, military uniform and outdoorsMay be an image of 2 people and outdoorsMay be an image of 4 people, military uniform and outdoorsMay be an image of 4 people, military uniform and outdoorsMay be an image of 8 people and outdoorsMay be an image of 5 people, military uniform and outdoorsMay be an image of 5 people, people standing and outdoorsGoobjoog News