U bood dhigaalka

Daawo: Khudbadooyinkii Gababada Shirkii Garowe.

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Ahmed Mohamed Islaamayaa gabagabadii shirweynaha Heritage ee Garowe ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay dhinacyo kala duwan.
Ugu horayn Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Maxadka heritage in shirweynahan ay usoo rareen dalka iyadoo markii hore lagu qaban jiray dibada taas oo wax badan kusoo kordhinaysa Saxaada Siyaasada dalka iyo is dhaafsiga afkaaraha.
Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay Dowlada iyo Shacabka Puntland sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen oo ay u marti sooreen dhamaan Madaxda iyo martida shirkan aragti wadaaga ah ka qeyb galayay.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay Xaalada amaanka dalka iyo marxalada kala guurka ah wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii loo dhamayn lahaa kala aragti duwanaanshah jira isla markana la isugu iman lahaa shir lagaga tashanayo aayaha dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Madasha Aragti-wadaag ee Machadka Heritage .
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Machadka Heritage oo soo agaasimay shirkaan sanadlaha ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Puntland sida habsamida leh ay u marti galiyeen madasha aragti wadaaga.
Ugu dambayn madaxweynaha ayaa sheegay iney Galmudug martigelindoonto sanadka danbe madashaan.
Dhanka kale  Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen metelaad siyaasadeed,  isagoo cod dheer ku sheegay in qoondada haweenku tahay geed ka go’an.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay Kulan Madaxda ka socoto dowladda federaalka,kuwa maamul goboleedyada iyo musharaxiintu ay la yeesheen haween ka kala socday dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo gobolka Banaadir oo ku saabsanaa Doorka haweenku ay ku yeelanayaan siyaasadda, kaas oo ka dhacay magaalada Garowe.

Dhinac kale  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Cilmi baarista Heritage ayaa ka sheekeeyay taariikhdii loo soo maray dowladnimada Soomaaliya.

“2006-dii dowladdii Soomaaliya waxa ay joogtay Baydhabo, Xamarna waxaa joogay maxkamadihii, waxaana ka soo dhaqaaqnay Baydhabo oo aan Xamar ku imaanaynay, Nabadda taalay dalkan cid qiyaasi karto ma jirto” ayuu yiri mudane Cabdi Xaashi.

“Shanta farood waxa ay isku heystaan hogaaminta gacanta, suulka waxa uu leeyahay sow ma aragtaan sida aan u kuusnahay iyo meesha uu Alle i dhigay, tan xigta ayaa hadashay, beni’aadamka marka uu dhaaranyo, aniga ayuu I fdiyaa, tan dhexda ayaa hadashay, oo tiri sow ma aragtaan meesha uu Alle i dhigay, tan xigta ayaa tiri aniga waxaa la igu aaminaa dahabka, tan u dambeysa ee far yareeyda ayaaa tiri quwad ma lihi, balse iska keey gooya hadaad quruxleedihiin, qurux iyo quwadda waxaan ku leenahay waa wada jirkeena” ayuu yiri Senator Cabdi Xaashi

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlayey gaba-gabada madasha Aragti Wadaagga Heritage oo Garoowe lagu soo afmeeray ayaa soo jeediyey in ay mar kale shir isugu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, si looga wada-xaajoodo hanaanka doorashada loogana jawaabo tabashooyinka ka taagan hanaanka doorashada.

Deni ayaa xusay in heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada bishii September 17-dii,  Baarlamaankuna ansixiyey 27-dii isla bishaas uu yahay sharciga kali ah ee haatan lagu gali karo doorashada, balse ay tahay in laga wada hadlo dhaliilaha iyo tabashooyinka ka taagan dhaqan galintiisa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in mudada shirka madasha loo fadhiyey garoowe ay socdeen shirar gaar gaar ah oo isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay wadeen si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyada doorashada ku lugta leh ama danaynaya, waxaana uu xusay in dadaaladaasi ay sii socon doonaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo jeediyey in la ilaaliyo nabadgalyada guud ee dalka xilliga doorashada, waxaana uu ka digay in la kiciyo fitno iyo colaad, isagoo yiri “Waxaan codsanayaa inaan fitno colaadeed la kicin, doorashaduna waa waxa la isku hayaa, waa doorasho, waana wax sanduuq lagu rido, ololuhuna waa hadal, qori boos uma banaana”.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo soo xiray shirka Madasha Aragti Wadaaga ee ka socday Garoowe ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed loo baahanyahay in la howlgeliyo oo la siiyo fursado hogaamineed, si dalka uu u gaaro horumar dhinac kasta leh.

“Sida aad la socotaan shacabka Soomaaliyeed 70% waa dad da’doodu ay ka yartahay 30 sano, haddii aan rabno in wadankan uu hormaro, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo amni ahaanba waa in dhallinyarada Soomaaliyeed ilgaar ah lagu fiiryaa, lana howlgeliyaa”.  Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu xusay in Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada looga fadhiyo inay dalkan ka hirgeliyaan Nidaam doorasho.

Halkaan Ka Daawo: