U bood dhigaalka

Dacwo: Puntland Oo Kheyre Ku Eedeysay Musuq, Amni Darro  iyo Iska Hor Keenista Maamulka iyo Dadweynaha

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa ay ku dacweysay deeq bixiyeyaasha iyo hey’adaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya iyada oo ku eedeysay  inuu sameeyey musuq , amni darro iyo inuu abuuray iska hor keenista shacabka iyo madaxda Puntland.

Qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda ee Puntland, lana soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa lagu sheegay in booqashadii uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku tagay Puntland ay keentay musuq iyo in la baal maray hey’adaha dastuuriga ah ee Puntland isla markaana uu abuuray isku dir shacabka iyo dowladda Puntland.

Isla qoraalka waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay sida sharci darada ah ee ra’isul wasaare Kheyre u adeegsanayo hantiada shacabka si uu u abuuro xiisado siyaasadeed iyo amni darro, isaga oo (220,0000) u xawilay NGO ama hey’ado aan dowli aheyn, isaga oo meel uga dhacay dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

Dr, Xasan Sheekh oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in Puntland ay caalamka tuseyso in deeqaha loo isticmaalo arrimo aan habooneen“  Arrintan waxaa ay ka dhiban tahay in dowladda Puntland ay tuseyso  caalamka in lacagihii loogu talo galay horumarka in loo isticmaalayo dumin iyo isku dirka Puntland”.

Dr. Xasan oos ii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa ay dhaawaceysaa sumcadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre, waxaa kale oo sii kala fogeyneysaa xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ah”.

Goobjoog News