U bood dhigaalka

Dad Abaartu Ku Saameysay Deegannada Jubbaland oo Gurmad Gaaray

Sheeko:Dalka

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa maanta deegannada Jubbaland waxaa ay ka bilowday qabinta deeq Raashin ah, taas oo ka faaiidaysanayaan ku dhowaad 10,000 oo qoys oo ku dhaqan deegaannada dowlad goboleedka Jubbland, kuwaas oo ay saamaysay abaarta baahsan ee ku dhufatay dalka intiisa badan, waxaana uu ahaa qeybtii koowaad deeqdaan cuntada ah.

Munaasabadda  lagu daah-furayay mashruucaan ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Arrimaha Bin’aadantinimada, La taliyayaal iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Dowladda Federaal Somalia, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya.

Deeqdan ayaaa waxaa ay kusoo aadaysaa  xilli Abaar aad u daran ay ka jirto Jubbaland ayadoo la ogsoon yahay in abaartu saamaysay dhulka Soomaalidu ay degto ee geeska Africa, waxaana meelaha qaar ay gaartay in dadka iyo duunyadu ay helin cunto iyo biyo, waxaana aan sedex xili aan la heli Roob si wanaagsan uga da’ay dalka, taas oo keentay abaaro dilaacay.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka Iyo Maaraynta Musiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya  Axmed Weli ayaa sheegay in la qorsheey 42,364 qoys in deeqdan oo ay Xarunta Boqor Salmaan ku deeqday la gaarsiiyo dadka abaartu ay ku  saamaysay ku dalka  ee ku dhaqan Dowladd goboleedyada dalka, waxaana saamiga ugu badan lasiiyey maamulka Jubbaland.

Goobjoog News