U bood dhigaalka

Dad Gaajo iyo Haraad Ugu Geeriyooday Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lasoo warinayaa in dad Gaajo iyo Haraad ay ugu geeriyoodeen gudaha degmadaas, waxaana ilaa iyo hadda la sheegay geerida 5 ruux, taas oo ka dhalatay ABaarta ka jirta.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo la hadlay laanta BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in xaaladda jirta ee Abaaraha ay yihiin kuwa faraha ka baxay, dadka iyo duunyaduna aysan haysan biyo iyo baad  sida uu sheegay.

Abaarta jirta ee saamaysay dadka iyo duunyada ayaa waxaa ay sidoo kale dhalisay in xooluhu waxay cunaan waayaan iyo biyo,waxaana sidoo kale sare u kacay cuntada quutuldaruuriga ah iyo shaashinka xoolaha lasiiyo sida Masagada iyo Galeyda.

Goobjoog News