U bood dhigaalka

Dad ku dhintay weerar lagu qaaday magaalo ku taalla Congo

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 33 qof ayaa dhimatay kadib markii weerar ay kooxa hubaysan ku qaadeen magaallo ku taalla bariga dalka Congo.

Dilka dadkaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyaan koox maleyshiyaad ah oo lagu magacaabo CODECO.

Dadkaan ayaa lagu weeraray gudaha magaalada  Mongbwalu ee gobolka Ituri ee dalka Congo.

Sanadkii la soo dhaafay, dowladda Congo ayaa saraakiisha ammaanka u xilsaartay Ituri iyo gobolka deriska la ah ee Kivu, si ay u xakameeyaan rabshadaha, laakiin weerarrada ayaa sii socda.

Goobjoog News