U bood dhigaalka

Dadka Kasoo Barakacay Abaaraha oo Xaalad Adag Ku Wajahaya Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Gobolka Galgaduud oo kamid ah gobollada ay sida daran u saameysay abaarta dalka ku dhufatay, ayaa waxaa ay sababtay in dadku ay kasoo barakaan deegaannada miyiga ah, iyaga oo soo gaaray magaalooyin. Cadaado oo ka tirsan gobolka waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ay soo gaareen barakacayaasha, kuwaas oo soo barakacay abaaraha iyo colaadaha  gobolka.

Magaalada ayaa waxaa horey ugu sugnaa dad barakacayaal ah, kuwaas oo deegaansanayay guryo ka sameysay Cooshado, tii oo ay jirto in xilligaan ay kusoo biireen dad kasoo hayaamay abaaraaha oo xoolohoodii ku waayay, halka ay kuwa kale kasoo barakaceen deegaannada u dhaxeeya Baxdo iyo Cadaado cabsi ay ka qabaan  dagaallada Al-shabaab iyo dadka deegaanka.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado  Faarax Diiriye Warsame  ayaa waxaa uu magacaabay guddiga gurmadka abaaraha iyo barakacayaasha, guddoomiye ku-xigeenka guddiga Maxamed Dhagacade oo la hadlay Goobjoog News oo ka warbixinayay  xaaladda nololeed dadka barakacayaasha ee soo gaaray Cadaado ayaa sheegay inay aad u adag tahay.

“Barakacu waxaa uu soo socday dhowr sano, dadka qaar waxaa ay kasoo barakaceen Xaradheere aageeda, Baxdo ayey ku soo dageen, dhulkaan Baxdo u dhow, markii Al-shabaab ay soo weerareen waxaa ka dhashay barakac kale, Barakacaas ayaa waxaa uu yahay Barakacii ugu darnaa, dadka miyiga ku nool , waa dad dan yar ah, oo xoolaha inta badan dhaqda, iyaga oo duruufo adag ku nool in ay Al-shabaab ka qarxiyeen  Ceelasha iyo Isgaarsiinta” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Dhagacade.

Sidoo kale Dhagacadde ayaa xusay in  dadka soo barakacay ay daadsan yihiin inta u dhaxeysa deegaanka Maarsamage iyo Cadaado, waxaana uu sheegay in aysan heysan guryo ay degaan ama ay kaga ganbadaan cadceeda iyo qabowga habeenkii, waxaana uu sheegay dadkii ugu dambeeyay ee soo gaaray magaalada ay gaarayaan 2500 oo Qoys oo miyiga ka yimid.

“Lacagta kaliya ee  laga isticmaalo Galmudug iyo guud ahaan goboollada dhexe, marka saameyn nuucaas ah ayey ku yeelatay,  waa lacagta kaliya, qofkii wax ma gadan karo, biyihii uu xoolaha ka waraabasan lahaa  oo dadkii iyo duunyadii ay ku noolaayeen waa laga qarxiyay, marka dadku si halhaleel ah ayey usoo barakaceen, deegaanka Maarsamago ilaa iyo Cadaado inta u dhaxeyso ayey daadsan yihiin geedo hoostood, ilaa 2500 oo qoys ayey dhan yihiin ” ayuu yiri sidoo kale”.

Dhanka kale guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in guddiga shaqadiisu tahay isku xirka dadka, waxaana uu sheegay in wali aysan jirin gurmad cawino ah oo kasoo gaaray dhanka dowladda, isaga oo sharaxay shaqada guddiga oo ay tahay in isku xir loo sameeyo, dadka Jaaliyadaha, kuwa ku nool magaalooyinka, dadka kale ee jooga magaalada Cadaado iyo nawaaxigeeda.

“Waxaan ka bilownay in guddiga laba qeybood loo qeybiyo, qeyb ku saaban arrimaha deeqaha iyo qeyb deg deg u howlgasha oo gudaha magaalada Cadaado iyo deegaannada u dhow deeqaha ka uruurisa, magaalada lixdii maalin ee lasoo dhaafay deeq uruurin ayaan ka wadnay, ganacsiyada iyo Masaajidda waan ka istaagnay iyo meelaha aan tagi karnaba, waxaa nooga soo uruuray oo dadka aan waydiinaynay raashin iyo lacag, raashinkii ayaan hadda qeybin ku bilownay” ayuu yiri

Ugu dambeyn Maxamed Dhagacade ayaa waxaa uu baaq u diray dowladda federalka ah, dowlad goboleedka Galmudug iyo jaaliyadda reer Cadaado isaga oo ka dalbaday in ay kasoo qeyb qaataan gurmadka loo samaynayo dadka kusoo barakacay abaaraha iyo colaadaha ka jira gobolka ee soo gaaray duleedka magaalada, isaga oo cabsi ka muujiyay xaalladda ka jirta.

“Waa dad tabaalaysan, waa dad xaalad adag wajahaya, waxaan ugu baaqayaa in gurmadka ay deg deg ugu istaagaan waxaa muuqata in dadka jaaliyadaha ah aysan gurmadkoodu si fiican aysan u muuqan, dowladda federalka ah waa ay dadaalaysaa, dadkaan waxaa ay u baahan yihiin in deg deg looga jawaabo xaalada nuucaan oo kale ah, dowladda federalka ah, Galmudug iyo Jaaliyadaha waxaan leeyahay dadkaan waxaa au u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado” ayuu yiri gabagabadii.

Gobolka Galgaduud oo kamid ah gobollada ay sida daran u saameysay abaarta ayaa waxaa dadku ay bilaabeen in ay isaga soo hayaamaan dhulka baadiyaha ah, kadib marii abaartu ay dhaafisay xoolahooda, dadka waxaa ku jira qaar kasoo qaxay deegaanno dhowaan Al-shabaab ay ka gubeen Ceelasha iyo Barkada biyaha lagu keydsado, kuwaas oo u dhaxeeya Baxdo iyo degmada Baxdo, maamulka degamada ayaa ka dayrinaya xaaladda noleed dadka barakacayaasha ah ee soo gaaray Cadaado.

Goobjoog News

W/ Q/ Dalmar Abdulkadir Daacad