U bood dhigaalka

Dalalka IGAD oo Ka Shiraya Xaaladda Koonfurta Suudaan

Sheeko:Amniga

Wasiirrada arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiha ee dalalka IGAD ayaa waxaa uu shalay kulan uga furay caasimadda Itoobiya.

Dadkaasi Adis Ababa ku sugan waxaa ka mid aha danjire Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya.

kulankan oo gaar ah, waa kii  68aad ee golaha Wasiirrada IGAD, waxaana looga hadlay xaaladda dalka koonfurta Suudaan.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Goobjoog News