U bood dhigaalka

Dani “Puntland Waxay Walwal Ka Qabtaa Habka Wadashaqeynta Iyo Dalka Sida Loo Maamulayo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qabaan walwal xooggan oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wuxuu sheegay iney ka walwalayaan habka wadashaqeynta ee DFS iyo sidoo kale sida dalka loo maamulayo.

Dani ayaa sheegay in ay u muuqato qatar ah in la gacan bidixeynayo nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey ee dalka u yaallay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in habka dalka hadda lagu wado aanu ahayn kii lagu heshiiyey, caqabadna ku yahay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Dowladaha caalamka ayuu sheegay in xilligan ay garan la yihiin qaab ay ula shaqeeyaan Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu dowladda dhexe ku eedeeyey in ay hanan la dahay ammaanka wadada Makka Al-mukarrama, islamarkaana aanay la socon dareennada dowlad goboleedyada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News