U bood dhigaalka

Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug oo Laga Hirgeliyay Ceelbiyood

Sheeko:Dalka

Duqa Degmada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka  Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka ayaa maanta kormeer ku gaaray deeganka Jeexdin ee duleedka magaalada oo laga hirgeliyay Ceelbiyood.

Kormeerkan ayaa ahaa mid lugu soo ogaanayay halka uu marayo qodidda Ceel biyood laga waday shantii bilood ee u danbeysay deegankaas, waxaana xubnahaan ay maanta goobjoog ka ahaayeen markii ay kasoo burqadeen biyihii ugu horeeyay oo ceelka ka yimaado.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa sheegay in lugu guuleystay hirgelinta ceelkaan wuxuuna guddoomiyaha uga mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatay ceelkaan muhiimka u ah dadka ku dhaqan deeganka Jeexdin, maadaama horay xaalado biyo yari ay ka jirtay deegaanka.

Dadka deegaan Jeecdin ayaa soo dhoweeyay ceelbiyoodkaan laga hirgeliyay, xilligaan oo gobolka Muqdug ay ka jiraan abaaro baahsan oo dadka iyo duunyada saameeyay, waxaana deegaannada qaar biyaha looga qaadaa magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay gureen Barkadihii biyaha ay ku keydsadeen.

Goobjoog News