U bood dhigaalka

Deg-Deg:- madaxweyne ka badbaaday isku day dil

Sheeko:Amniga

Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa maanta oo khamiis ah shaaciyay in madaxweyne Andry Rajoelina uu ka badbaaday isku day dil iyadoo xabsiga la dhigay dhowr qof oo isugu jira ajnabi iyo muwaadiniin oo la tuhunsanyahay.

Laba qof Faransiis ah ayaa ka mid ahaa dadka lagu qabtay dalkan dhaca Badweynta Hindiya Talaadadii la soo dhaafay waxaba lagu wada baaritaan ku aadan in ay maleegayeen falal liddi ku ah amniga gobolka, ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaas u sheegay AFP.