U bood dhigaalka

Deg Deg: Qaraxyo Isxigxigay oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka dhacay qaraxyo isxigxigay, kuwaas oo lagu weeraray hotelka Xayaat oo ku yaallo isgoyska KM4 ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada dhacay ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin afar qarax, waxaana qof ku sugan aaga wax kadhaceen uu Goobjoog News u sheegay in gudaha sedex ka dhacday halka midna uu ka dhacay banaanka hore.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in qarxyada loo adeegsaday gawaari, waxaana la ogeyn khasaara ka dhashay, waxaana la maqlayaa rasaas.

Wixii kasoo kordha lasoco