U bood dhigaalka

Deni Oo Ku Baaqay In Al Shabaab Lagala Dagaalo Dhaqaalaha

Sheeko:Dalka

Madaxweynha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Al shabaab lagala dagaalamo dhinaca dhaqaalaha oo aysan ahayn kaliya in loo wajaho qaab mileteri.

Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay ka hortaga dhalinyarada ku biiraysa Al shabab kuwaas oo uu sheegay in dhaqaale lagu qaldayo.

“waa caqabad waxa ay ku tahay hormarka, degenaanshaha iyo wada noolaansha marka la dagaalanka fikirka xagjirka ah ee nabad gelyada ka soo horjeeda daawadiisu ma ahan in si mileteri ah loola dagaalamo ee waxa ay u baahantahay in si kobac dhaqaale ahna loola diriro” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland, ayaa dowladda Kenya ku ammaanay sida ay u garab istaagtay ummada Soomaaliyeed markii dhibaatooyinku ay dhaceen, isaga oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in lagala shaqeeyo sugidda amaanka dalkeeda.

“Abaal weyn ayey nagu leedahay Kenya hadaa nahay Soomaali shacabka iyo dowladda Kenya waxaan uga mahad naqeynaa garab istaaga ay noo muujiyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Puntland.

Madaxweynha dowlad goboleedka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Goobjoog News