DFS Oo Joojisay Duulimaadyadii Kismaayo

Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa soo saaray ammar lagu hakinayo duulimaadyadii Kismaayo, muddo Saddex cisho ah.

Qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyada oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in hay’adda ay ka heleen warqad loogu sheegayo in 23-ka illaa 26-ka bishan  aanay wax duulimaad ah ka degi karin kana soo bixi karin magaalada Kismaayo.

Marka ay dhammaato mudadan ayaa loo sheegay shirkadaha in la fasixi doono, balse wixii ammar ah ay qaataan.

Inakastoo aanay hay’addu sheegin sababta ay duulimaadyadan u joojisay ayaa hadane waxay la xiriirtaa caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Shalay ayeey ahayd markii ay DFS xayiraad saartay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, xilli uu doonayey inuu u safro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW