Dhageyso: Ajaaniib Badan Oo Ku Qulquleysa Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay in xadka ay ka baxeen tirada ajaaniibta ah ee ku qulquleysa deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in ajaaniibta ku sugan Puntland ay ku dhow yihiin iney ka bataan dadka Soomaaliyeed ee dhulka leh.

Waxa uu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay deegaannada Puntland soo galeen ajaaniib ka badan 47 kun, isaga oo ka digey sii socoshada dadkaasi.

Camey ayaa faray laamaha ammaanka iney ka shaqeeyaan sidii loola socon lahaa ajaaniibta sharci darrada ku galeysa deegaannada Puntland.

Inta badan Puntland ajaaniibta gasha waxaa ugu badan muwaadiniinta u dhalatay dalka Itoobiya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW