Dhageyso: Kheyre Oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xalay wuxuu kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadii xalay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, dib u dhiska iyo iskaashiga dadweynaha.

Kheyre oo maalmahan ku sugnaan doona magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciidamada ee magaaladaasi, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin ciidamo Galmudug ah.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo ku sugan waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi.

Xasan Cali Kheyre ayaa maalmahan dambe wuxuu socdaal ku marayey deegaannada Galmudug, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa Galmudug oo mideysan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW