U bood dhigaalka

Dhageyso: Lafta-gareen Oo Sheegay In Xasilooni Siyaasadeed Gaarsiinayaan Deegaannada K/galbeed

Luuliyo 2, 2019

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa sheegay in deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo gaarsiin doonaan xasilooni siyaasadeed.

Wuxuu sheegay Lafta-gareen iney go’aan ku gaareen ka maamul ahaan in dowladnimada la daadejiyo, dadka ku dhaqan degmooyinkana ay u suurtageliyaan iney doortaan cidda ay rabaan.

Maamullada deegaannada K/galbeed ayuu sheegay in lagu sameynayo dib u habeyn iyo qorshe, lagana shaqeynayo isdhexgalka bulshada.

Lafta-gareen ayaa ka dalbaday shacabka K/galbeed iney kala shaqeeyaan sidii horumar loo gaarsiin lahaa deegaannadooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News