U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Oo Sheegtay In La Maxkamadeyn Doono Xubnihii Ka Tirsanaa Guddiga Dhismaha Wadada Boosaaso Ee Dhowaan La Xiray

Sheeko:Dalka

Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa ka hadashay xarigga xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha wadada Boosaaso, kuwaasi oo dhowaan xabsiga la dhigay.

Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ugu horreyn sheegay in la yaab ay ku noqotay dad eedeysanayaal ah oo la xiray iney ka hadasho dowladda federaalka, iyadoo baaritaanno ay socdaan.

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha in sharciga la marsiin doono dadkan xiran, islamarkaana ay mari doonaan wixii sharciga uu qabo.

Cid walbo oo ka hadashay xarigga raggan ayuu sheegay iney u arkaan dano kale iney leeyiihin, islamarkaana muhiim ahayd in laga war sugo hay’adaha sharciga ah.

Inkastoo Puntland ay sheegeyso in xubnahan lagu tuhmayo wax is daba-marin ayaa hadana warar hoose waxya sheegayaan in lagu hayso lacag ay ka heleen DFS si loo dar-dargeliyo dhismaha wadada dhex-marta Boosaaso.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News