Dhageyso: Qof Shacab Ah Oo Lagu Diley B/weyne Iyo Howlgallo Socda
Sheeko:Arrimaha Amniga

Rag hubeysan ayaa waxa ay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen qof shacab ah.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in ragga wax diley ayka baxsadeen goobta falkaasi uu ka dhacay.
Dilka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamada ammaanka ee magaalada B/weyne kuwaasi oo howlgallo ballaaran wada.
Lama oga sababta ka dambeysa dilkan qofkan, balse saraakiisha ammaanka ee howlgallada wada ayaa sheegay in dib faah faahin ka bixin doonaan.
Ammaanka magaalada B/weyne ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad usoo hagaagayey.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News