U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Sheegay In Galmudug u Baahan Tahay Isbedal Dhab Ah

Sheeko:Dalka

Xildhibaan C/qaadir Cali Diirshe oo ka mid ah mudnayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay isbedal dhab ah oo maamulkooda ah, si looga gudbo khilaafyada jira.

Xildhibaankan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in waqtigii Galmudug loo asteeyey ku dhammaday oo kaliya khilaaf iyo inaan bulshada waxbo loo qaban.

Wuxuu ku taliyey Xildhibaan Diirshe in shacabka loo sameeyo maamul tayo leh, islamarkaana ka fekera aayaha dadka uu matalo, meeshana laga saaro shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh, waa siduu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda ku sugan Dhuusamareeb looga baahan yahay iney isku tanaasulaan, kana saaraan maankooda isku daysi iyo colaad.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News