U bood dhigaalka

Dhismaha Wajiga Koowaad Ee Dekadda Hobyo oo Biloday

Sheeko:Dalka

Magaalo xeebeedka hobyo ayaa waxaa ka socda dadaalo ladoonayo in lagu dhiso dakada magaalada hobyo oo ay wadaan madaxda maamulka galmudug iyo qaybaha bulshada magaalada iyo Ganacsatada kasoo jeeda Galmudug.

Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye ayaa hormuud waxaa uu ka ahaa dadaallo badan oo la geliyey sidii loo dhisi lahaa dekadda magaalada Hobyo, taas oo soo martay heerar kala duwan.

Imaatinkii wasiir Saabir ee xafiiska ayaa waxaa uu dadaal badan geliyey sidii bulshada Galmudug iyo Ganacsatudu ay u maalgashan lahaayeen Dekadda Hobyo, waxaana durbaba soo baxay shirkado badan oo u tartamaya dhismaha.

Hadda ayaa waxaa bilaabanayo dhismaha  wajigii koowaad ee dekadda taas oo lagu dhisaayo qeyb kamid ah dekadda oo mac mal ah, waxaana la sheegay in ku xiran karaan doomaha dhirirkoodu lagu sheegay  ilaa 20 mitir.

Dhismahaan ayaa waxaa uu soconayaa muddo lix bil ah, waxa aan sidoo kale si kumeel-gaar ah loogu adeegsan karaa  baahiyaha kale. Waxaana ay qeybtaan sare u qaadi doontaa kalluumaysiga oo baahi weyn xiligaan loo qabo.

Dhinaca kale waxaa dhammaadka bishan dalka soo gaari doona Injineero ka socda Shirkadda Oriental Terminal oo laga leeyahay wadanka Turkiga oo hordhaca u ah dhismihaha  Dekadda weyn ee magaalo xeebeeebka Hobyo,

Goobjoog News