U bood dhigaalka

Dhoobo Daareed Iyo Ciidan Uu Wato Oo Gaaray Sanaag

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo Khamiistii xilka laga qaaday ayaa isaga baxay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Sida wararku ay sheegayaan, guddoomiyaha waxaa la socda ciidamo badan oo isaga taageersan, waxaana ay xalay gaareen degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu maanta kulamo la qaadan doono waxgaradka gobolka, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo ku aaddan Puntland.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in gobolka Sanaag uu shir uga furmo waxgaradka gobolkaasi, waxaana ay ka tashan doonaan aayahooda Puntland.

Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiye Dhoobo Daareed oo ay ku eedeeyeen ku tumashada dastuurka Puntland iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Goobjoog News