U bood dhigaalka

Digniin Laga Bixiyey Roobab Dabeylo Wata Oo Ku Wajahan Puntland

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo la sheegay iney ku wajahan yihiin deegaanno maamulkaasi ka tirsan.

Waxa ay sheegtay wasaaradda in 14-ka illaa 15-ka bishan January la filan karo roobabkan oo da’a sidaasi darteed looga baahan yahay shacabka iney taxadar muujiyaan.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa ugu baaqday dadka ku dhaqan miyi iyo magaalo, gaar ahaan kuwa deggan meelaha biyo mareennada iyo godadka iney ka fogaadaan, si aanay dhibaato usoo gaarin.

Ugu dambeyn, wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa sheegtay in xilli walbo ka maamul ahaan ay heegan buuxa ku jiraan, isku diyaarinayaan sidii loogu gurman lahaa cid walbo oo uu roobabkan saameeyaan.

Goobjoog News