Digniin Loo Direy Hoteellada Iyo Hay’adaha Ka Howlgala Guriceel (Dhageyso)

Kulan ammaanka loogahadlayey islamarkaan ay yeesheen talisyada NISA, Booliiska iyo xubnaha guddiga amniga Guriceel ayaa xalay ka dhacay degmadasi.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha degmadaasi, C/laahi Maxamed Barre, waxaana inta uu kulanka socday lagu falanqeeyey xaaladda amni ee degmadaasi.

Macalin Qaasim Sheekh Mire, madaxa warfaafinta degmada Guriceel oo warbaahinta u akhriyey waxyaabaha kulankaasi kasoo baxay ayaa sheegay in la mamnuucay wadashada hubka sharcidarrada ah, iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Waxyaabaha sidoo kale kulankaasi laga soo saaray ka mid ah in xabsiga la dhigi doono cid walba oo wadata gaadiidka leh muraayadaha madow.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale wargeliyey milkiilayaasha Hoteelada iyo Hay’adaha iney soo diiwaangeliyaan hubkooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW