U bood dhigaalka

Diyaarado Laga Leeyahay Kenya oo Duqeymo Ka Geystay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaalka oo laga leeyahay Kenya ay duqeeyeen deegaan ka tirsan gobolkaas, waxaana laga helayaa warar kala duwan.

Duqeynta ayaa waxaa ay si gaar ah uga dhacday deegaanlagu magacaabo Raaso-ugaas, kaas oo diyaaduhu ay ku tuureen tiro gantaallo ah sida ay sheegayaan wararka.

ilaa 7 gantaal oo ay ku tuuteen deegaan ayaa waxaan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay maadaama qadka isgaarsiiinta deegaankaas uu yahay mid Liito, Ciidamada Kenya ayaa Al-shabab ku dagaalama deegaanno ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose oo ciidamo ay ka joogaan ka tirsan AMISOM.

Diyaarada laga leeyahay Kenya ayaa inta badan waxaa ay duqeymo ka geyntaan qeyb kamid ah gobolka, iyadoo mararka qaar ay waxyeello ay ka soo gaarto dad shacab ah iyo dhismayaasha shirkadaha sida Hormuud, taas dhowr jeer ah ay xarumo ay leedahay ay burburiyeen diyaaraha dagaal ay leedahay Kenya.

Goobjoog News