U bood dhigaalka

Doorashada Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo La Daah Furay

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa daahfuray doorashada xubnaha golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo taas oo  si rasmi ah uga bilaabatay magaalada.

Munaaasabada daahfurka doorashada oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, saraakiil ka socatay hay’addaha F.C.A C.R.D iyo EISA oo gacan ka geysanaya dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali (Axmed Dheere) waxaana uu sharaxaad kooban ka bixiyay dadaalka loogu jiro dhismaha hogaanka maamulka dagmada galkacyo isagoona sheegay in maalmaha soo socda lagu soo gaba gabeyn doono

Munasaabada furitaanka doorashada xubnaha golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug oo sheegay in bulshada ay heystaan hanaan ay wax ku dooran karaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa isna bogaadiyay hanaan socodka dhismaha golaha deegaanka Galkacyo

Intaas kadib waxaa la guda galay doorashada xubnaha golaha deegaanka Degmada, iyadoo wax lagu dooranayay cod qarsoodi ah, waxaana  si rasmi ah loo doortay ilaa iyo 12 kursi oo qeyb ka ah 27ka kursi ee xubnaha golaha deegaanka, kuwaas oo si rasmi ah loogu dhawaaqay doorashada kadib

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali ayaa gunaanadkii munaasabada u hambalyeey xubnaha la dooratay, kuwaas oo ay ku jiraan labada murashax ee u tartamaya duqa Degmada Gakkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale iyo Cabdifataax Axmed Barre.

Goobjoog News