U bood dhigaalka

Dowladda oo Ka Hadashay Dagaal Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Galgaduug

Sheeko:Amniga

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay dagaal ka dhacay deegaanka Sinidhigo oo hoostago magaaladda  Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo xooggag  ka tirsan Al-shabaab, kaas oo khasaare dhaliyey.

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in dagaalka lagu dilay 15 ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ay sheegtay wasaaraddu in ay kamid ahaayeen xooggag dagaal ku qaaday Sinidhiqo oo ay dhowaan ciidanka dowladdu la wareegeen.

“Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud ayaa dilay 15 ka tirsan khawaarijta Alshabaab ka dib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan Saldhigyo Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor, Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Ciidanka dowladda ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay kawadaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana howlgallada qeyb ka ah ciidanka deegaanka oo iskood isku abaabulay, ciidanka ayaa ku guuleystay deegaanno badan oo ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud in ay la wareegaan.

Goobjoog News