U bood dhigaalka

Duqa Magalada Garowe oo Bixiyey Amarro Lagu Socodsiinayo Shilinka Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Duqa magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegay in maamulka magaalada iyo kan gobolka ay billaabeen qorshe lagu socodsiinayo Shilinka Soomaaliga oo magaaladu ay ka mid ahayd goobihii laga diiday in la qaato.

Axmed Saciid Muuse oo ah duqa magaalada ayaa xusay in dhammaan ganacsatada iyo shacabka la farayo in ay ka qeyb qaataan socodsiinta Shilinka, iyadoo la raacayo go’aannadii dhawaan kasoo baxay guddigii talobixinta.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray inaan marna la aqbali doonin in ganacsatadu ay diidaan Shilinka, isaga oo ku baaqay in maamulku Canshuuraha ay ku qaadaan Shilinka Soomaaliga, oo qiimihiisa sare u qaadaysa.

Duqa magalada Garowe ayaa ugu dambeyn waxaa uu amar ku siiyey hay’adaha amniga in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan ciddii isku dayda in ay diiddo socodsiinta Shilinka oo go’aanno laga soo saaray.

Puntland ayaa bilihii dambe la’ daalo dhacaysay saameyn ka dhalatay sicirka sarifka taas oo sababtay in ganacsatadu diidaan qaadashada Shilinka Soomaaliga, taas oo dhibaato ku noqotay dadka danta yar ee ku nool magaalooyinka Puntland.

Goobjoog News

.

Mawduucyada:Puntland