Duqeyn Lala Beegsaday Xarumo Al-shabaab Ku Lahaayeen Jubbooyinka

Wararka ka imaanayaa gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay halkaasi ka dhaceen duqeyn dhanka cirka ah, oo lala beegsaday dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab.

Duqeynta  ayaa ka dhacday deegaannada Hargeysa  yarey, Saayow iyo deegaanno uu dhexeeya Jilib iyo Bu’aalle oo ka tirsaan gobolka Jubbada dhexe.

Duqeynta dhinaca Hargeysa yare ayaa waxaa lagu burburiyay xarun ay Alshabaab ku lahayeen duleedka deegaankaasi  iyadoo ay ku dhinteen duqeynta xubno ka tirsaan Alshabaab waa sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Dhanka kale degmada Saakow waxa lagu duqeeyay xarun kale oo Al-Shabaab  ku lahaayeen, waxaana la sheegay in xaruntaasi ay ugu keyd sanaayeen hub iyo saanada ciidan.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW