U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha Abaaraha oo Booqday Barakayaasha Doolow

Sheeko:Dalka

Ergayga gaar ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka u qaabilsan arrimaha Abaaraha iyo gurmadka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo gaaray maanta gaaray magaalada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa booqday xeryaha dadka abaarta kasoo barakacay ay degan yihiin ee ku yaalla magaalada iyo duleedkeeda.

Ergayga ayaa markii tagay magaalada waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay madax ka tirsan maamulka Jubbaland uu kamid yihiin maamulka degmada iyo xubno kale , maamulka ayaa warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dadka Abaarta ku dhufatay gobolka  ee ku nool xeryaha  Barakayaasha ah ee ku nool kaamamka ee kasoo hayaamay abaaraha ku dhuftay gobolka.

Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa xilligaan deegaan iyo martigelin u tahay bolaal qoys, kuwaas oo abaarta dhacday ku waayay xoolihii ay dhaqan jireen, waxaana ay hadda deegaan sanayaan guryo ka samaysan Cooshado, kuwaas oo aan xamili karin cadceeda xiligaan jirta ee Abaartu sababtay.

Ergayga arrimaha Abaaraha iyo gurmadka u qaabilsan madaxweynaha jamhuuriyadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa safarka uu ku tagay Doowlow waxaa uu noqonayaa kiisii sedexaad tan iyo markii xilkaan loo magacaabay, waxaa uu horay u tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Buulo Burde oo Hiiraan iyo Baay ka kala tirsan.

Goobjoog News