U bood dhigaalka

Ergeyga Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo Gaaray Magaalada Godinlabe

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Beni-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ergeyga ayaa u kuur-galay xaaladda xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal oo ku yaalla duleedka magaalada, hakaasoo ay ku nool yihiin reero intooda badan miyaga ka soo hayaamay, kadib markii xoolahoodii abaarta daran ee dalka ka jirta xaalufisay ay ku noolaayeen oo reer guuraa ahaa.

Danyar u badan carruur, haween iyo dad da’ ah oo duruufo ay nafaqa-darro ugu horreyso wajahaya, cudurrana u dheeryihiin, ayaa hoy iyo harsiba ka dhiganaya cooshado baco ka sameysan oo aan qorrax iyo dhaxan toona celi karin.

Abaarta jirta waa ka qira-weyntahay sida dadkeennu u heysto, waxaa ay u gudubtay heerkii macluusha oo ah halkii ugu darnaa, dadka abaaburuhu saameeyeen waxa ay u baahan yihiin garab-qabad soo degdega iyo ka war-qab joogto ah, si aan ugu badbaadno in dadkeenno xeyn-xeyn u dhintaan.

Ergeyga ayaa maanta soo gaaray degaannada Galmudug, u-jeedka socdaalkiisa oo ku qotama u kuur-galidda xaaladda abaarta ee ka jirta degaannada maamulka ayuu ka billaabay degmada Cadaado oo ka mid ah magaalooyinka marti-galinaya barakacayaal xooggan.

Goobjoog News