U bood dhigaalka

Faahfaahin Qarax Ka Dhacay Bacaadweyne

Sheeko:Amniga

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa, qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu ahaa Leylo Calaawi oo  lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xero ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin duleedka magaalada, gaariga ayaa ku qarxay afaafka hore ee xerada, kadib markii ay ciidanku joojiyey.

Waxaa inta inta la xaqiijiyey qaraxa ku geeriyooday labo askari oo ka tirsan xoogga dalka, halka ay ku dhaacmeen afar kale, waxaa sidoo kale goobta ku geeriyooay ruuxii naftii huraha ahaa ee waday gaagiga nuusana ahaa.

Qaraxaanka ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa ah qaraxii ugu horeyey oo  nuucaas ah oo ka dhacay deegaanka.

Goobjoog News