U bood dhigaalka

Galgaduud: Al-shabaab oo laga saaray Qaayib

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada oo kaa shanaya dadka deegaanka ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Qaayid oo hoostaga gobalka Galgaduud.

Qaayib ayaa kamid ah deegaanada Isteraatijiga ah ee ay ururka alshabaab ka heysteen gobalka waxaana qiyaastii 40 km ay u jirta degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Caada-kibir oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah ururka Alshabaab.

Qaayib ayay Alshabaab maamulayeen in ka badan 6 sano, halkaas oo ay ku lahaayeen farriisimo waawayn.

Goobjoog News