U bood dhigaalka

Galmudug: DFS Waxay Burisay Heshiiskii Qeybsiga Dakhliga Kalluumeysiga

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug gaar ahaan wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaasi ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda dhexe ay burburisay heshiiskii qeybsiga dakhliga Kalluumeysiga ee ka dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo DFS.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:

Ku socota : Safiirka China ee Somalia iyo Cidkasta oo ay quseyso

Intii u dhaxaysey November 15, 2018 iyo April 20, 2019, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciyeysey oo ay shati kaluumeysi siisay 31 Shirkadood oo Shirkadaha Shiinaha ah si ay uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya mudo hal sano ah iyada oo la kordhin karo.

Sida aad ka warqabtaan, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Xubnaha ka ah oo ay kamid tahay Galmudug ayaa wada saxiixay heshiis wadaag ah oo lagu qaybsanayo kheradka Somalia oo lagu kala saxiixay Baydhaba, Soomaaliya iyo Addis Ababa, Ethiopia.

Haddaba, xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u qeexay in Galmudug State aysan fileynin in ay hesho, saamiga kheyraadka galmudug kaa oo ay wakiil kaga ahayd dadka Galmudug, qaybta dakhliga laga soo ururiyay kirada kalluumeysi ee Shirkadaha Shiinaha ilaa maanta.

Waxaan kula talineynaa xafiisyada ay quseyso warqadaani iyo Shirkadaha Shiinaha ee haatan ka shaqeeya kalluumeysiga gudaha iyo hareeraha Aagga Dhaqaalaha Bada ee Galmudug, Galmudug’s Exclusive Economic Zone (EEZ), in Dowlad Goboleedka Galmudug aysan ka qayb ahayn Heshiisyada khayraadka ee kor ku xusan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha sababaha kor ku xusun dowlad gobaledka Galmudugna qodobada heshiisyadaas ay ugu dambeyntii dib u tirtirtay/ baabi’isay dhammaantood.

Sidaa daraadeed, Dhamaan Shirkadaha iyo maraakiibta Shiinaha ee hoos ku xusan waa inay ka fogaadaan Galmudug Zone Economic Zone (EEZ) oo saameyn degdeg ah leh.

Waxaan ka fileynaa inay u hoggaansamaan shuruucda u deggan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku dhiirigelineynaa oo aan ku soo dhaweyneynaa Shirkadaha Kalluumeysiga ee Shiinaha wadashaqeyn toos ah oo u dhexeysa Dowlad gobaledka Galmudug iyo Shirkad kasta oo Shiineys ah ama waddan kale oo raadinaysa danaha wanaagsan ee Galmudug State of Somalia.