Goodax Barre: Faroole Ummadda Soomaaliyeed Kadeed Ayuu Galiyay

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Senetor Faroole uu kadeeday Ummadda Soomaaliyeed markii la sameyanayay dastuurka ku meel gaarka ah waxa uuna xusay in arrinkaasi uu isagu marqaati ka yahay.

Wasiir Goodax oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Aniga Faroole waan la soo shaqeeyay markii dastuurkaan KMG-ka ah laga shaqeynayay ummadda soomaaliyeed siduu ninkaas u kadeeday iyo dastuurkan dhan ciladaha uu leeyahay in uu isaga sabab u yahay anigaa ka marqaati ah”

Sidoo kale wasiirka waxbarashada DFS ayaa ka dhawaajiyay in Senetor Faroole la joogo xilligii uu siyaasadda ka fariisan lahaa isaga oo dhinaca kale ku eedeeyay in madaxdii puntland soo martay iyo kuwa hadaba ay ka shaqeyn la’ yihiin.

“waxaad joogtaa waqtigii aad fariisan lahayd inta aad joogtay oo aad puntland madaxda u ahayd ummadda Soomaaliyeed ayaad kadeeday markii reer Puntland iska kaa qabteen ma aadan fariisan Cabdiwali Gaas hal maalin kaama shaqeyn hadana waxaad afduub ku haysaa kan maanta jooga waxaan kugu waaninaa inaad ummadda meel ka fariisato” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Goodax Barre.

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Senetor Faroole uu kal hore sheegay in wasiir Goodax cunaqabateyn xagga waxabarada uu ku hayo dowlad goboleedka Puntland.

Goobjoog News

Related Articles

20 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW