U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdullahi “Balanqaadkii Turkiga Ee Kooxda Galmudug Waa Diyaar”

Sheeko:Cayaaraha

Madaxda sare ee Maamul Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar yihiin balanqaadyadii loo sameeyay ciyaartooyda kooxda kubbadda cagta Galmudug ee booska labaad ka galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

“Balanqaadkii Turkiga iyo kuwa kale oo loo diyaariyay Ciyaartooyda iyo macallimiinta Galmudug waa diyaar,balse waxaan kooxdeena ugu mahadcelinaynaa sharafta iyo magaca ay noo soo hooyeen” ayaa sheegay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Galmudug mudane Cabdullahi Xirsi Maxamed.

Gabadhadii aan u balanqaaday ciyaaryahan Sarqaawi Waa diyaarayay markale ku celisay Canab Maxamed Cosoble oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Dowladda Galmudug waa in ay fulisaa balanqaadkii ay u samaysay kooxda kubbadda cagta Galmudug ayuu sheegay Xildhibaan Daahir Wehliye oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

“Waan u Mahadcelinaynaa cid katsa oo kaalinta ka geystay horomarka iyo guusha kooxda kubbadda cagta Galmudug,qorshaheena waa in aan sanadka danbe  soo diyaarino ciyaartooy ka adag kuwii lagu arkay garoomada caasimada Muqdisho” ayuu warbaahinta u sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan.

 “Dowladda Iyo Ganacstada Reer Galmudug, waa in ay bixiyaan mushaarka iyo horomarinta kooxda Galmudug” ayuu saxaafadda u sheegay Guddoomiye Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire.

“Waxaan Finaland Ugu Soo Safray Guusha iyo horomarka Galmudug,waana ku faraxsanahay heerka aan maanta ka gaarnay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu sheegay Cabdifataax Maxamed Qaaje oo ah Xoghayaha Ururka Ciyaaraha SOCUS ee ka dhisan Wadanka Finland.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle