U bood dhigaalka

Guddoomiye Degmo oo Isdilay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Garbo Ciise ee gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegayaan in la helay meydka guddoomiye ku-xigeenka degmada Cabdullaahi Axmed Nuur, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan geerida wiilkaan oo ahaa dhallinyaro.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in marxuumka isagu naftiisa uu dilay, isaga oo isdaldelay, meydkiisa ayaa la helay gurigiisa sida ay sheegayaan wararka soo baxay, waxaana socda baaritaanno ay wadaan ciidan Booliiska degmada oo ku aadan sababta ka dembaysay inuu naftiisa gooyo.

Dhacdadaan deegaanka kusoo korortay ayaa waxaa ay noqotay mid hadal heyn badan ka dhalisay deegaanka, waxaana ay noqtay mid argagax ku abuurtay bulshada deegaanka, oo xiligaan ay ka jiraan abaaro baahsan oo dad iyo duunyo saameyn ku sheeshay, waxaana ilaa hadda la ogeyn sababka ka dambaysa.

Goobjoog News