U bood dhigaalka

Guddoomiye Faadum Cali “Dhammaan Ciyaartoyda Galmudug Wadanka Turkiga Ayaan Geyn doonaa”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo CaliCali (Faadumo Faandhe) oo ku hadleysay Magaca Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo Hogaanka Baarlamaanka Galmudug ayaa  Ciyaartoyda Galmudug u balan qaaday,Hadii ay ku guuleystaan koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 in damaashaad ay ku tagayaan Turkiga,iisayaashoodna uu diyaar yahay,balse laga rabo Xaqiijinta hanashada koobka.

Dhammaantood Ciyaartoyda iyo macallimiinta Galmudug,hadii ay ku guulaystaan koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020”waxaan dalxiis u Geyn doonaa Wadanka aan walaalaha nahay ee Turkiga ” ayay ciyaartooyda ka hor sheegtay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cali  Cali (Faadumo Faandhe).

“Wax kaliya,aan ku qanceeno,hadii aanu nahay Golaha Wasiiradda Galmudug waa in Dhuusamareeb la geeyo koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020” ayuu sheegay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Galmudug mudane Khaalid  Cabdullahi Warsame.

“Ciyaaryahan Sarqaawi,waxaan u hayaa gabar qurux badan oo aan ayeeyo u ahay” ayay iyadana warbaahinta u sheegtay Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

“Waan Bogaadinayaa wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn ciyaartooyda iyo macallimiinta Kooxda kubbadda cagta Galmudug sumcada ayay noo sameeyeen,waxaan inoo balan ah koobka iyo caasimada Dhuusamareeb” ayuu sheegay Xildhibaan Mahad Cabdullahi Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug

“Wiilkayga Sarqaawi,Waxaan Lee yahay Hambalyo Hooyo,waxaa kor u qaaday magaca Galmudug,shacabka reer Galmudug waxay ku lee yihiin Mahadsanid,weligaana guulayso” ayay warbaahinta u sheegtay Fardowso Yuusuf Ciid oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

“Kooxda Galmudug,waxay noo samaysay taariikh xasuus mudan,waaan u mahad celinayaa dhamaan Maamulka,macallimiinta iyo ciyaartooyda ” ayuu warbaahinta u sheegay Zakariye Yalaxow oo ah Wasiir Ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Mawduucyada:Galmudug