Guddoomiye Iska Diiday Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey, Gobolka Mudug

C/rashiid Xaashi Cartan, guddoomiyahii gobolka Mudug ee xilka looga qaaday wareegtadii kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday xil ka qaadistaasi lagu sameeyey.

Cartan ayaa sheegay in shacabka iyo waxgaradka oo wadatashaday kaddib kusoo wargeliyeen in uu meeshiisa sii joogo, islamarkaana aanay waxbo ka jirin xilkan laga qaaday.

Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cartan in xilkan uu hayey tan iyo sannadkii 2015, isagoo sheegay inuu ka shaqeeyey arrimo u badan dib u heshiisiinta.

“Sidaad la socotaan Galmudug waayahan dambe waxaa isaga badnaa khilaafaadka iyo waxyaabaha siyaasadeed ee soo noqnoqonaya, xil ka qaadisteydii baraha bulshada baan ku arkay, waxaa dhacday in arrintaasi noqoto mid ugub ku ah gobolka Mudug, waxaan tan iyo 2015-kii kasoo shaqeynayey gobolka, shacabka iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa wadatashi ay u fariisteen waxay sheegeen in arrintan aan marnaba la qaadan karin iyo arrintan oo ku timid wax aan la garan, iyadoo xilligan lagu jiro uu madaxweyne Xaaf ku jiro xaalad siyaasadeed oo adag” ayuu yiri Cartan.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa habeen ka hor wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulkiisa.

Goobjoog News

 

Related Articles

10 Comments

  1. Thanks for your post. I’ve been thinking about writing a very comparable post over the last couple of weeks, I’ll probably keep it short and sweet and link to this instead if thats cool. Thanks. 파워볼

  2. I’m truly enjoying the design and layout of your website. It’s a very easy on the eyes which makes it much more enjoyable for me to come here and visit more often. Did you hire out a developer to create your theme? Fantastic work! 토토

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW