U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Sheegtay in ay Howlgal Ku Qatay Dad Xiriir la Leh Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa bayaan ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in la qabtay dad ay siyaabo kale duwan macluumaad ula wadaagay Al-shabaab sida ay dahalka u dhigtay hey’adda, waxaana digniin ay u dirtay dad ay sheegtay in ay Al-shabaab ay la shaqeeyaan.

Hey’addu ma aysan cadeynin goobta laga fuliyay howlgalka lagu qabtay dadka ay bayaan ku sheegtay NISA in ay gaarayaan ilaa 10 ruux, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan howlgal laga fuliyay Muqdisho lagu qabtay shabakad ka tirsan Al-shabaab, kadib howlgal dhacay oo ay fulisay hey’adda.

“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay Argagixisada. Hadda ka dib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Twitter-ka.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo ay jiraan goobo ama xarumo ay leeyihiin Al-shabaab, kuwaas oo ay ku fuliyaan xukunnadooda, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay howlgallada ay fulinayaan ciidanka he’adda sirdoonka, kuwaas oo lagu beegsanayo goobo  ay leeyihiin Al-shabaab.

Goobjoog News