U bood dhigaalka

Godoomiyihii Magaalada Badhan Soomaaliland U Soo Magacaawday Oo Iscasilay

Sheeko:Amniga

Cali Xuseen oo ahaa gudoomihii magaalada badhan ee gobalka Sanaag ay u soo magacaawday Soomaaliland ayaa iska casilay xilkii loo magacaabay.

Gudoomiyaha ayaa ku sheegay is casilaadiisa in ay la xariirto ka dib markii Soomaalilan ay ciidamo soo dhoobtay gobalka Sanaag deegaano ka mid ah, waxa uuna xusay in uu diyaar u aheyn in colaad laga kiciyo gobalka.

” Xilka waxaan iskaga casilay sababo la xiriira qalqal uu galay gobalka Sanaag, anniguna madoonayo gobal dhisan oo dadkiisii ay dagan yihiin inaan colaad ka huriyo  oo aanan dhib u soo jiidin maanta oo ay taariikhdu tahay 30-5aad 2019ka waxa aan ka tagay xilkii aan ugu magacaawnaa Soomaaliland magaalada Badhan ee gobalka Sanaag”

Iscasilaada gudoomiya magaalada Badhan ayaa waxa ay ku soo aadaysaa aydoo gobalka Sanaag ay ka taagan tahay xiisado u dhaxeeya maamulada Soomaaliland iyo Puntland kuwaas oo isku haya gacan ku haynta gobalka Sanaag oo mid waliba sheegto.

Goobjoog News