U bood dhigaalka

Jubbaland iyo Hey’adaha Gargaarka oo Wadahadlay Arrimaha Abaaraha

Sheeko:Dalka

Madaxweyne kuxigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa wuxuu Kulan laqaatay masuuliyiinta Hay’adda Gift of the Givers, isagoo kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dad ay Abaaraha sameyeen, kuwaas oo ku dhaqan deegaannada maamulka Jubbaland.

Sidokale waxaana kulankaan qayb ka ahaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland iyo Hay’adda qaabilsan daryeelka Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, waxaana xilligaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ka taagan Abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku baaqay in dhamaan Hey’adaha gargaarka bixiya ay si hagar la’aan ah wax ugu qabtaan dadka tabaleeysan ee ay sameeyeen Abaaraha ka jira qeyba kamid ah degaannada dowlag gobleedka Jubbaland oo gaartay heerkii ugu saraysay.

Degaannada dowlad goboleedka  Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ugu daran ay Abaarta siweyn u saameysay dadka kunool,waxaana dadku ay ku waayeen xoolihii ay dhaqan jireen iyo beeraha , maadaama dadka ugu badan ay yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley, kulka abaarta ayaa sidoo kale saameeyay Kalluumaysatada.

Goobjoog News