U bood dhigaalka

Kulan Lagu Taageeraayay Dhismaha Dekedda Hobyo Oo ka Dhacay Hobyo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay dawladda FS ku bixinayso mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo oo ahmiyad weyn u leh dadka ku dhaqan gobolada dhexe.

Guddoomiyaha ayaa dhismaha dekedda Hobyo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka,wuxuuna bogaadin iyo ammaan gaar ah u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dalka Qadar.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed iyo Nabadoon Firdhiye oo ku hadlayay afka Waxgaradka gobolada dhexe ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in  mashruucan uu rajo weyn ku abuurayo bulshada umadda ku dhaqan deegaanada gobolada dhexe.

Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku kala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay ka mid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana shalay mar kale lagu dhawaaqay in mashruuca dhismaha dekadda la bilaabi doono dhowaan.

Goobjoog News