Maalintii 2aad: Wararka Shirka Garoowe

Waxaa magaalada Garowe ka soconaya maalintii 2aad shirka wadatashiga qaran ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleeyda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ajendaha shirka lama soo bandhigin, waxaana socdo wadatashiyo u dhaxeeya madaxda federalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada oo la xiriirka hindise sharciyeedyo dhowaan la meel-mariyey sida axsaabta iyo doorashooyinka.
Waxaa kale oo ay dood ka jirtaa arrimaha dastuurka, Kheyraadka sida shidaalka iyo xuduudaha taasi oo dhaceysa in xalkooda ay muddo qaadato.
Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaarihiisa Kheyre ayaa lagu cadaadinayaa iney qaataan dhabbo cusub oo dalka lagu hagayo dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW