U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo Kulan Deg Deg ah Ka Yeeshey Sicirka Shilinka Soomaaliga

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta  Shir-guddoominaya Shir gaar ah oo looga hadlayey xal u helidda cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga, kaas oo muddooyinkaan ka taagnaa maagaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Shirka oo ka dhacay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas madaxweynihii hore ee Puntlnd Cabdiraxmaan Faroole, wasiirkii maaliyadda puntland Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh iyo qubaro ku xeeldheer dhaqaalaha.
Kulanka ayaa waxaa inta badan looga hadalay sidii xal loogu heli lahaa sicir lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo Puntland hadda gaaratay meel aad u sareysa, taas oo cabasho ay ka keeneen shacabka, ganacsataduna ay diideen in ay ka qaataan oo ay wax uga iibiyaan shacabka magaaloyinka Boosaso iyo Garowe ee Puntland.
 Wasiirka wasaaradda maaliyadda Faarax Cali Shire  Abgaal oo warbaahinta la hadlay gabagabadii shirka ayaa  ka hadlay go;’aannadii ka soo baxay shirka” Falanqeyn iyo dood dheer kadib waxaa la qabtay gudi uu guddoomiye u yahay madaxweynihii hore ee Puntland oo wasiirro iyo Frofeserro ay ku jiraan iyagaa waxaa laga sugayaa wixii talo soo jeedin ah sidii xal looga gaari karo qiima dhaca ku dhacay Shiling Soomaaliga madaxweynuhu guddigaas ayuu yiri kasoo talobixiya, waxaan rajanaynaa sedex bari gudahood ay u keenaan waxyaabo lakala doorto” ayuu yiri.
Kulankaan ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo deegaannada Puntland gamacsadatu ay diiday in ay socodsiiyaayaan shilinka Soomaaliga ah, wolow maamulku dhowr jeer isku dayey inuu qasabb ku socodsiiyo, waxaana caqabada ugu badan ay ku noqotay shacabka danyarta ah, waxaana la sheegayaa in suuqyada Puntland uu yaallo Shilin Soomaali farabadan sida uu horay uga dhawaajiyey madaxweyne Deni.
Goobjoog News