U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Ingiriiska oo Kulmay

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo safar ku tagtay magaalada Kismaayo iyada iyo wafdi ay hoggaaminaysay,
Kulanka ayaa lagaga hadlay tageerada dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, nabadgalyada iyo sidii dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha abaaraha ee xilligaan ka taagan deegaanno badan oo Jubbaland ah, taas oo dad iyo duunyo saamaysay iyo sidii dowladda Ingiriiska qeyb uga qaadan laheyd gurmadka abaaraha ee bilowday.
Goobjoog News